PodcastsEducationAdeeg Wanaag

Adeeg Wanaag

Somali Public Agenda
Adeeg Wanaag
Latest episode

61 episodes

  • Adeeg Wanaag

    Sidee u shaqeeyaa adeegga lacag-bixinta degdegga ah?

    2026-04-07 | 1h 1 mins.
    Inkastoo ay Soomaaliya horumar ka sameysay adeegga bangiyada iyo shirkadaha kale ee ka shaqeeya arrimaha lacagaha, haddana dadweynaha iyo ganacsatada waxa ay culeys ku qabeen in lacagaha la isaga kala diri karin bangiyada iyo shirkadaha maaliyadda dhexdooda. 
    Shirkadda Somali Payement Switch ayaa la sameeyay si ay u fududeyso adeegga lacag dirista iyo wax kala iibsiga, iyadoo la adeegsanayo bangiyo kala duwan.
    Qeybtan 44-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed iyo Cabdullahi Biixi Xuseen oo ah Maareeyaha Somali Payment Switch,waxa ay ku falanqeynayaan adeegyada kala duwan ee ay qabato shirkadda Somali Payment Switch iyo sida ay u fududeyso adeegga lacag bixinta degdegga ah. 
    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
    ·      Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
    ·      Email us at [email protected]
    Thanks for listening!
  • Adeeg Wanaag

    Sidee Loo Kordhin Karaa Dakhliga Canshuuraha ee Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado?

    2026-03-13 | 32 mins.
    Degmada Cadaado waxa ay ka mid tahay degmooyinkii ugu horreeyay ee Dowlad-goboleedka Galmudug oo maamul iyo hay’ado shaqeeya yeesha. Dowaldda hoose ee degmadu waxa ay qaaddaa canshuur kala duwan, si ay adeegyo kala duwan ugu qabato. Hase ahaatee, maamulka degmada ayaanan soo xareeyn canshuur ku filan, sababo kala duwan awgood.  

    Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday daraasad ku saabsan “Sida loo kordhin karo Dakhliga Canshuuraha Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado?” ayadoo la adeegsanayo habka cilmibaaris ee loo qayaanno Local Strategies Research (LSR) iyo hannaanka Evidence-Based Policy Design. 

    Qeybtan 43-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed, agaasimaha SPA Policy Lab, iyo Farhia Mohamud oo ah cilmibaare ka tirsan Somali Public Agenda sidoo kalena hormuud u aheyd cilmibaarayaasha daraasadaas, waxa ay ku falanqeynayaan nuxurka daraasaddaas iyo waxyaabihii lagu ogaaday.
    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
    ·      Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
    ·      Email us at [email protected]
    Thanks for listening!
  • Adeeg Wanaag

    Sidee Hay’adda Dhowrista Xogta ugu Adeegtaa Muwaaddiniinta Soomaaliyeed?

    2026-03-02 | 36 mins.
    Xogaha kala duwan ee muwaadiininta ku saabsan waxaa gacanta ku haya hay’ado kala duwan, kuwaas oo dowli ah ama aan dowli aheyn. Waxaa lagama maarmaan ah in xogahaasi aan loo adeegsan si ka baxsan inta sharcigu oggol yahay. 
    Qeybtan 42-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed iyo Maxamed Nuur Colow, oo ah Maareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha ee Soomaaliya, waxa ay ku falanqeynayaan kaalinta Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliyeed, oo ah haya’dda ku shaqada leh howlaha xog dhowrista iyo sida ay howlaha iyo adeegyada xog dhowrista ah uga shaqeyso.

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
    ·      Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
    ·      Email us at [email protected]
    Thanks for listening!
  • Adeeg Wanaag

    Af Soomaaliyeynta Erayada Loo Adeegsado Garaad-Gacmeedka (AI)

    2026-01-22 | 38 mins.
    Adeegsiga Artificial Intelligence ama Garaad Gacmeedka ayaa dunida aad ugu baahay sanadihii ugu dambeeyay. Soomaaliya, Garaad Gacmeedka waxaa loo aadgsadaa qeybo kala duwan. Sidaas oo ay tahay, ereyada Af Soomaaliga ah ee la xirriira Garaad Gacmeedka aad uma horumarsana. Dhawaanahan waxaa jiray dadaallo lagu horumarinayo turjumidda erayda la xiriira Garaad Gacmeedka ama AI, waxaana ka shaqeynayay aqoonyanno kala duwan. 
    Qeybtan 41-aad ee Adeeg Wanaag Podacast, Aweis Ahmed, Dr. Peter Chonka oo bare sare ka ah Jaamacadda King's College ee London, iyo Maxamed Cabdimaalik oo ah madaxa hay’adda Jaantus oo ka shaqeysa horumarinta warbaahinta, waxa ay ku falanqeynayaan dadaallada la xririira Af Soomaaliyeynta erayada loo adeegsado Garaad Gacmeedka. Dr Peter & Maxamed waxa ay shaqeynayeen mashruuc Af Soomaali loogu turjumayo erayda la xirrira AI. 

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
    ·      Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
    ·      Email us at [email protected]
    Thanks for listening!
  • Adeeg Wanaag

    Muxuu ka Shaqeyn Doonaa Guddiga Tacliinta Sare ee Dalka?

    2025-12-08 | 1h 6 mins.
    Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee dalka, kaas oo ka shaqeyn doona hagidda iyo horumarinta hey’adaha tacliinta sare ee dalka. 
    Qeybtan 40-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed iyo Prof. Cabdinur Sh. Maxamed oo ah guddoomiyaha guddiga, hore na u soo noqday Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare eee dalka, waxa ay ku falanqeynayaan guud ahaan howlaha tacliinta sare ee dalka, gaar ahaan howlaha horutabinta leh ee guddigu ka shaqeyn doono. 
    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
    ·      Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
    ·      Email us at [email protected]
    Thanks for listening!

More Education podcasts

About Adeeg Wanaag

Public services in Somalia are highly limited due to the weakness of government institutions struggling to recover from destruction caused by conflict. However, even those government services that do exist fail to serve people effectively. Access to public services is a fundamental right for Somali citizens. Join Aweis Ahmed, the director of the SPA Policy Lab, and his guests, who will intensely discuss the public service matters in Somalia in the Adeeg Wanaag podcast.
Podcast website

Listen to Adeeg Wanaag, InnerFrench and many other podcasts from around the world with the radio.net app

Get the free radio.net app

  • Stations and podcasts to bookmark
  • Stream via Wi-Fi or Bluetooth
  • Supports Carplay & Android Auto
  • Many other app features

Adeeg Wanaag: Podcasts in Family